Taliyihii Ciidamada Isku dhafka Milatariga Gobolka Mudug oo Qarax Lagu Dilay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiira Kuwait, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwo isku dhafka ee gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ciidan mas’uuliyiinta qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah ALLAHA u naxariisteen Taliyihii ciidamada isku dhafka Milatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Xoreeye iyo ciidamo kale.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, balse waxaa horay weeraro noocaas ah uga gaystay magaalada dagaalyahanadda Al Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here