Waxaa gudaha magaalada muqdisho lagu kala iib sanayaa hub ciidamada dowladda soomaaliya ay lahayeen oo ay ugu tala gashay markii hore dowladda Imaaraadka Carabta.
Hubka ayaa waxaa markii hore magaalada soo galiyay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ugu tala galay inuu siiyo ciidamada xooga soomaaliya, gaar ahaan kuwa Imaaraadka carabta uu tababarada siin jiray.
Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa baahisay sawirro muujinaya hubkaasi oo lagu kala iisanaya gudaha magaalada Muqidisho, gaar ahaan meelaha qarsoodiga ee lagula kala wareego hubka kala duwan.
Reuters ayaa sheegtay hubka inuu yahay, hub dhawaan lagala baxay xerada General Golden, kadib markii xerada dhaxdeeda ay ku dagaalameen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, taasina ay tahay sababta saraakiil katirsan xooga ay hubka uga iibiyeen ganacsada hubka gadata ee ku sugan Muqdisho.
Waxaa maal mahii danbe soo if baxay in saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda ay baqaaro ku yaal xerada tababarka ciidamada ee Gen, Gordan kala baxeen hub u badnaa qoryaha AK47, kuwaa oo markii danbe geeyay suuqyada hubka ee gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dhanka kale Saraakiisha iyo ciidamada ayaa waxaa halkii qoray looga iibsanayay lacag u dhaxeysa 6,00 ilaa 7,00 oo doolarka Mareykanka ah, balse halkii qoray ee AK47 ah ayaa waxaa la iibiyaa sida caadiga ah lacag dhan 1,400 oo doolar, taasi oo muujineysa iney Askarta danta u geysay iyaga oo og in lacagta intaasi la eg ay u siistaan kala bar halka qoray ee AK47 uu suuqyada madow ee xamar ka joogo 1,300.
Sawirrada Ay Baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters




