waxaa magaalada Garowe ee caasimada puntland lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan amniga dowladda dhaxe iyo kuwa maamul gobaleedyada Soomaaliya, waxaana Looga Arin sanayey Shaqada Booliska Soomaaliya ,Kor u qaadista tayada iyo tirada Booliska Somaliya
Waxaa ka qaybgaya Shirkaasi Wasiirada Amniga dowladgoboleedyada dalka iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Soomaaliya waxaana inta uu socday kulankaasi lagu falanqeeyey Hawlaha Booliska ay u hayaan Umadda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 13 qodob waxaana saxaafada u akhriyey agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa usoo jeedisay wasaaradaha amniga dowladd goboleedyada iney culeeska saaran wax ka qabashada amniga deegaanaada ay ka arimiyaan.
Halka Hoose Ka Akhriso Qodobada Laga Soo Saaray Shirkii Amniga Guud Ee Soomaaliya


