Madaxweyne Farmaajo Iyo Wasiir Khadiijo Oo Ka Hadlay Guusha Xulka Da’da Yar Ee Somaaliya “Dhageyso”

0
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Iyo Wasiirada Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye

Wasiirada Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo lahadashay idaacada Simba ee Magalada Muqdisho ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay xulka Xulka Soomaaliya ee Juunyarka 17 jirka

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen finalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirad Khadiijo ayaa sheegtay in guushaas ay Soomaaliya uga dhigantahay iyo bahda Isboortiska horomar laga gaaray isbootiska gaar ahaan kubada cagta

Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hambalyo iyo duco u dirtay kooxda xulka da’da yar somaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madax kale oo badan ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Xulka Soomaaliya ee Juunyarka 17 sana jirka  oo gaaray guul taariikhi ah.

Guusha ay gaareen, wuxuuna farriin uu soo diray ku yiri: “Waxaan ugu hambalyeynayaa xulkeena da’doodu ka yar tahay inay gaareen fiinaalka koobka CECAFA, aad ayaan idinku faaneynaa, waxaan rajeynayaa in koobka aad noo kentaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.hambalyo ayan leenahay xulka qarka Soomaaliya 17 jirka ee u soo baxay fiinaalka Cupka bariga iyo bartamaha.

Dhageyso: Codka  Marwo Khadiijo Maxamed oo Wareysi Siisay Idaacada Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here