Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasaaradda.
Waxa uu sheegay Mursal in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu rajeynayo in uu ku guuleysto.
Waa wasiirkii Afaraad ee isku casila doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee la filayo in la qabto 30-ka bishan April.

