Imaaraadka Carabta oo Marka Kale Qalabkiisa Ka Rartay Xerada Jeneraal Gordon

0

Imaaraadka Carabta ayaa saakay mar kale qalabkiisa ka rartay Xerada Jeneraal Gordon oo ku taala Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qalabka La raray waxaa kamid ah Gaadiidka Dagaalka, Hubka noocyadiisa kala duwan, iyo agabyo kale, kuwaasi oo la sheegay in dhawaan ay imaaraadka ugu Tageen Xiradda ay ku lahaayeen Degmadda Hodan Muqdisho.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in saakay aroortii ay Saraakiisha Imaaraadka Carabta ay halkaas gaareen, islamarkaana ay rarteen qalabkii ugu dambeeyay ee u yaalay Xiradda tababarka.

Qalabkaan ayaa la sheegay in Saraakiisha Imaaraadka ay ula dhaqaaqeen Safaaradda ay ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho.

Dhawaan Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyay in uu joojiyay Taageeradii uu siin jirey Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa Xirey Isbitaalka Sheekh Zayed Hospital ee ku yaala Degmada Shangaani ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo ay caafimaad u doonan jireen shacabka Soomaliyeed.

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday ka dib markii Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafka Dowladda Khaliijka, waxase Xiisad ay Xoogeysatay kadib markii ciidanka Amniga Soomaaliya ay la Wareegeen Diyaarad Siday Malaayiin Doollar,Taasi oo sababtay in Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqdo inay jirtay Dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidanka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here