AMISOM oo Soo Bandhigtay Qorshe Looga Hortagayo Qaraxyada ay Geystaan Al-shabaab

0

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa qeylo-dhaantaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu ka soo saraay Shir looga hadlayey Ka-hortagga Miinooyinka dhulka lagu aaso ee Improvised Explosive Devices (IEDs) oo shalay ka furmay magaalladda Muqdisho.

Waxa uu ku baaqay in la kordhiyo dadaalka looga hortagayo Miinooyinka noocaasi ah oo ay inta badan Alshabaab la beegsadaan Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka soomaaliya.

Ergayga waxa kale oo uu xusay inay Miinooyinka ay cabsi ku hayaan dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Somalia, wuxuuna Ka-qeybgalayaasha Shirkaasi ugu baaqay inay keenaan xal Farsamo oo looga hor tegi karo Miinooyinka.

Francisco Madeira waxa kale oo uu ka hadlay Nidaamka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo Miinooyinka in ay tahay in la helo Siyaasad Sax ah haddii la doonayo in lagu guuleysto Teknoolajiyadda Dhulka.

Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku booriyey inay Milliteriga, Boliska iyo dowlada federaalka soomaaliya  inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa khataraha Qaraxyadda ka dhasha Miinooyinka ay xarakada  Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka AMISOM iyo ciidamada dowlada soomaaliya .

Kulankan AMISOM ee looga hadlayo Khataraha Miinooyinka waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Ciiddanka Britain ee ku sugan gudaha Somalia, Richard Maundrell. Wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo Wada-shaqeynta Saamileyda iyo Hay’addaha Ammaanka ee ku sugan Somalia, si looga hortago cabsida miinooyinka dhulka lagu aaso .

Hay’adda qaramada midoobay ee Ka-hortagga Miinooyinka ee UNMAS ayaa sheegtay inay ugu yaraan 3,000 oo qof ku geeriyodoeen ama ay ku dhaawacmeen Qaraxyadda Miinooyinkii Somalia ka dhacay 3-dii sanno ee la soo dhaafay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here