Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamanka Federaalka Soomaliya,islamarkaana sanadkii 2007-kii soo noqday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Xilkii uu baneeyay jawaari.
Waxa uu Sheegay Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya uu waayo aragnimadeeda leeyahay mudana dalka usoo shaqeeyay.
“Waxaan rabaa inaan u sheego Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya inaan ahay musharax Xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaama uu banaan yahay booskaas meeshana loo baahanyahay in la buuxiyo 15 maalin gudahood, sidaas daraateed waxan rabaa inaan u sheego umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Golaha Shacabka inaan ahay musharax una baahanahay Golaha sharafta badan leh iney codkoodu igu caawiyaan” ayuu yiri Adam Madoobe.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iska casilay bishii April ee sanadkii 2010-kii, kadib khilaafka ka dhashay muddo xileedkiisa Guddoomiyenimo.

