Imaaraadka Carabta Oo La Sheegay Inuu Hurinaayo Xiisad Aan Loo Baahneyn + ( Dhageyso)

0

Xiisada diplamsiydeed ee u dhaxeysa  Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareertay  kadib markii Soomaaliya ay qabatay lacag Malaayiin doolar gaareysa oo dalka  Imaradka  ka timid, sidoo kalena  ay joojisay iskaashiga Millatari oo labada dal ka dhaxeeyay

Imaaeaadka ayaa siiya ciidamada Soomaliya mushaaraadkooda tababarkooda iyo saadkooda waxayna Xukuumada Baxyren sheegatay in Soomaaliya ay ku jisaartay samafalka kana abaal dhacday kaalmada Imaaraadka uu lagarabtaaganyahay Soomaaliya iyadoona luqad adag ku cambaareysa xiisadaasi.

Ambaasadoor Ceydaruus Maxamed Cabdi oo ah xeeldheere ka faalooda arimaha Carabta iyo tan geeska Afrika  oo wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Imaaraadka uu ka daray khaladadka iyo xadgudubka doplamaasiyadeed ee Soomaaliya uu  kula kacay uu keeni karo cawaaqib wuxuuna ku eedeeyay Imaaradka carabta inay hurineyso xiisad aan loo baahneyn.

tan iyo intii uu biloowday khilaafkii dalalka khaliijka ka dhaxeeya, kaas oo xiriirka dublamaasiyadeed loogu jaray dalka Qatar, waxaa aad usii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay qaadatay go’aan dhex dhexaadnimo ah, iyada oo diiday in ay la kala safatay dhinacyada is hayay.

Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka oo lagu magacaabo DP World ayaa heshiis 30 sano ah la gashay  Somaliland, kaas oo ay kula wareegtay maamulka dekada Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadaas aad uga soo hor jeedsatay, iyada oo uu xitaa jiray mooshin si aqlabiyad ah loogu codeeyay oo baarlamaanka Soomaaliya ay dalka kaga mamnuuceen DP World, inkasta oo wali xeerkaas uusan madaxweynaha saxiixin waxaana haatan shaki ku jirin inuu aad u sii xumaanyo xiriirka doplmaasiyadeed ee dalalka Imaaraadka iyo Soomaaliya ka dhaxeeya.

Dhageyso Codka Ambaasadoor Ceydaruus Maxamed Xeeldheere ka Faalooda Arimaha Carabta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here