Ra`iisal Wasaare Kheyre oo La Kulmay Gudoomiye Jawaari Is Casilaadiisa Kadib “Sawirro”

0

waxaa xalay magaalada muqdisho kulan mudo socday ku yeeshay Xasan Cali Kheyre Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyihii golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.

kulanka ayaa yimid kadib markii xalay uu gurigiisa ku booqday Raisal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.

kulanka oo ahaa mid ku saabsan is cafin iyo is macsalaameyn, maadama waqti badan uu ka dhaxeeyay labada masuul loolan siyaasadeed, kaasi oo markii danbe sababay in afhayeenkii Golaha shacabka uu ku dhawaaqo inuu isaga tagay xilkii hogaanka Baarlamaaka Soomaaliya, oo mudo badan uu xilkaasi hayay.

Gudoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa horay waxuu kaga dhawaajiyay iney gadaal ka riixeyso mooshinkii laga waday xukuumada soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra`iisal Xasan Cali Kheyre.

Ra`iisul wasaaraha xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Afhayeenkii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kula dar daarmay in la is saamaxo laga tago waxii khilaaf ahaa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Dhax Maray Raisal wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here