Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka Hadlay Kulanka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya (Dhageyso)

0

Xogayaha guud ee gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xildhibaanada aqalka hoose  oo la hadlay Barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in kala aragti dubanaashihii goluhu ka dhex jirtay mudo ku dhow bil inay rajenayaan in uu maanta dhamaado maadaama arintii buuqa dhalisay ee mooshinkii Jawaari xal lagaaray kadib markii uu is casilay afhayeenkii barlamaanka Soomaaliya.

“Xildhibaan Warfaa anigu iima muuqato inuu sii socdo khilaafka Baarlamaanka labo garab u kala jabiyay hadii Jawaari uu is casilay  goluhu wadajir buu ku shaqeyn doonaa iscasilaadii Jawaarina waxay soo afjartay kala qeybsanaatii Baarlamaanka”.  ayuu yiri Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Xogayaha guud ee gudiga difaaca Baarlamanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay  in is casilaadii Gudoomiye Jawaari  kadib ay muuqato isku soo dhawaanshiyaha Xildhibaanada labada dhinac oo aragti ahaan meel fog kala taagnaa kuna kala qeybsamay mooshinkii Jawaari

Waxaa khamiistan maanta ah laga dhuur sugayaa kulan Baarlamaanka ay ku yeelanayaan xaruunta goloha shacabka ee Magaalada Muqdisho taas oo lafilayo in gudoomiye Maxamed Shekh Cismaan Jawaari uu kusoo bandhigo istiqaaladiisa kana jeediyo khudbad sidii uu Talaadadii balan qaaday isaga oo garab taagan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya  maxamed cabdullaahi Farmaajo.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la Hadlay Idaacada Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here