Weeraryahankii Hore ee kooxda arsenal Ian Wright ayaa aaminsan in uu qalad weyn uu sameeyay macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger kadib Guuldaro kasoo Gaartay kooxda dalka Greece ee Olympiacos ciyaaraha Champions League
Macalin Wenger ayaa kulankii xalay Go’aansaday in uu qeybta Goosha uu kusoo Bilaabo xidiga David Ospina xili uu Kursiga keydka uu kusoo Bilowday xidigii Hore ee kooxda Chelsea Petr Cech
Kooxda magaaalada London arsenal ayaa Guuldaro kala Kulantay kooxda Olympiacos xili laga dhaliyay 3-Goal ciyaar ka dhacday Garoonka Emirates Stadium

