Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada al-shabaab ee degmadaas ay ku dileen labo ruux ay sheegeen in ay ahaayeen Burcad dadka dhac u geysta
Ciidamada al-shabaab ayaa la sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Gobolka shabeelaha hoose ayna dileen Labadaan ruux ee la sheegay in ay dhac u geysan Jireen dadka masaafurka ah.
Labada Ruux ayaa la sheegay in Howlgalka ay sameeyeen ciidamada Xarakada al-shabaab in Lagu diley saacadihii lasoo dhaafay

