Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay qarax lagu dilay Mas’uuliyiin katirsanaa maamulada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Hir-Shabelle.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa laga baahiyay in qarax miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay mas’uuliyiinta, xili ay marayeen wadada xiriirisa degmooyinka Wallaweyn iyo Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa oo dhulka ku aasnaa in lagu dilay C/qaadir Cabdi Raxmaan oo loo yaqaan C/qaadir Baraf kaasi oo ahaa wasiiru Dowlihii amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Xildhibaan Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle.
Shabaab waxa ay sheegeen in Mas’uuliyiinta labeegsaday ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay deegaanka Jameeco Jilyaale oo ciidamo Mareykan ah ay ku laayeen Carruur wax ka baraneysay Machad islaami ah.
Dhanka kale Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid mas’uuliyiinta.

