Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaliya oo Amaro Dul Dhigtay Shirkadaha Duulimaayadda

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo maanta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Garoonka Diyaadaha Aadan Cade ayaa si kooban u faahfaahiyay amaro Wasaaradu  soo saartay ku waa oo ku aadan Duulimaadka.

Wasiirka ayaa sheegay dadka safarka ah ama rakaabka ah  looga baahan yahay in ay gudaha Garoonka tagaan 9:00 sacadood ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay Diyuuradda ku qoran yihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradduna aysan 9:00 ka badan dadka aysan Garoonka ku heyn karin isagoona intaasi ku daray in Diyaaraddaha  aan rakaab kale la saari Karin iyadoo laga tagaayo kii horay u sugaayay.

Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here