Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland oo Ka Digay Isku day uu Gaas Ku Doonayo Mudo Kordhin

0

Xildhibaano ka Tirsan Guddiga joogtada ah ee barlamaanka Puntland ayaa meesha ka saaray qorshe muddo kordhin ah oo ay raadinayso xukuumada madaxweyne Gaas, taasoo ku fashilantay inay Puntland gaarsiiso nidaamka xisbiyada badan.

Madaxweyne Gaas ayaa doonaya in xukuumadiisa hal sano loogu daro si uu ugu guulaysto hirgalinta nidaamka xisbiyada badan, kaasoo ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee madaxweyne Gaas laga sugayay.

Xildhibaan katirsan guddiga joogtada ee barlamaanka Puntland, oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Jaceel ayaa bartiisa facebook soo dhigay war uu ku beeninayo in haba yaraatee inaanu barlamaanku aqbalidoonin wax muddo kordhin oo madaxweyne Gaas loo sameyn karo.

Xogo aan ka helnay madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu doonayo inuu Puntland galiyo xaalad dagaal oo uu ku doonayo inuu kusoo celiyo gobolka Sool, haddii uu ku guulaysto waxay ahaandoontaa dariiq fudud oo muddo kordhin ku sameyn karo.

Siyaasiiinta mucaaradka ah ee la magac baxay Puntland Focus group ayaa ka digay iskuday kasta oo uu madaxweyne Gaas waqtiga ku korarsanayo, iyagoo sheegay inay arrintaas horseedi karo inay Puntland lugaha la gasho xaalad dagaal iyo amni xumo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here