Waxaa warar dheeraad ay ka soo baxayaan qaraxyo iyo sidoo kale risaas xoogan oo maqribnimadi caawa siyaabooyin kala duwan looga maqlay magaalada muqdisho.
Qarax xoogan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Hotelka la yiraahdo Doorbin lama ogo qasaaraha uu geystay.
Sidoo kale waxaa isagana qarax uu ka dhacay agagaarka xarunta Ha’yada Nabad Sugida soomaaliya oo kutaala nawaaxiga kiilomitir Siiro.
Gadiidka gargaarka deg deg ah ayaa gaaray goobaha ay qaraxyada ka dhaceen caawa welina dowlada ma aysan faafaahin qaraxyada dhacay.
Dhinaca kale Meydka labo qof ayaa lagu arkay nawaaxiga madaxtooyada soomaaliya waxaana jira warar sheegaya in labada qof ay ahaayeen rag hubeysna oo ciidamada dowlada ay toogteen xili ay saarnaayeen gaari ay ciidamada dowlada raacdeysanayeen.
La soco wixi soo kordha

