Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yonis siihayaha ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii Al-shabaab ee Al-Andulus.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.
Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Alshabab ay u adeegsan jireen marin habaabinta iyo cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed oo ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaana Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya.
“Waxaa guul u soohooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Alshababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta Alshabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.
Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay holwgaladda ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

