Guddiga macalimiinta Kenya ayaa ka codsaday dowladda in ay lacag mag dhaw ah siiyaan dhamaan eheladii ay ka geeriyoodeen, macalimiintii lagu laayay iskuul kuyaalo deegaanka Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya.
Xoghayaha guud ee ururka macalimiinta Kenya Akello Misori ayaa maalinnimadii shalay ka digay in dowladda Kenya ay isku daydo in wax ciqaab ah ay dul saarto, macalimiintii ka cararay shaqadooda kadib markii ay sheegeen in dowladu ay ku fashilantay sugida amaankooda.
16’kii bishan ayay ahayd markii qaar katirsan xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen iskuulka hoose, dhexe ee Qarsa, kaas oo ku yaalo deegaanka Wajeer, ayadoona wararka halkaasi ka soo baxaya ay sheegayaan in 15 iskuul oo kamid ah iskuulada deegaanka, macalimiintii wax ka dhigayay ay iskaga qaxeen, dhacdadii ugu danbaysay ee ka dhacday deeganada waqooyi bari Kenya ayadoona sidoo kale wararka qaar ku waramayaan, in 60 boqolkiiba ay macalimiinti deegaanka ka shaqeenayay ay iskaga qaxeen shaqadii macalinnimo ay ka hayeen iskuuladaas.
Dhacdada layaabka leh ee ka dhacay deegaanka wajeer ayaa ah in 3’da macalin ee weerarkaas ku dhintay ay kamid ahaayeen, macalin iyo xaaskiisa oo kawada shaqeenayay iskuulka Qarsa..
Xoghayaha guud ee ururka macalimiinta Kenya Akello Misori ayaa hoosta ka xariiqay, in dowladu ay waajib ku tahay sugida amaanka muwaadiniinta, oo ay ku jiraan macalimiinta, oo ah meesha bulshada laga soo saaro.
Baryihii ugu danbeeyay hadal heenta ugu wayn gudaha dalka Kenya ayaa noqotay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen 16’kii bishan iskuulka Qarsa eek u yaalo deegaanka wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya.

