Waxbarasho La’aan Soo Wajahday Caruurta Wadamo ay Somaliya Ku jirto

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ayaa sheegtay in waxbarasho la’aan ay soo wajahday Caruur farabadan oo ku nool wadamo ay Somaliya ku jirto.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Save the children ayaa sheegayso in caruurta ku nool wadamada bariga Africa in isbuucii caruur gaaraysa 90,000 ay halis ugu jiraan in ay katagaan iskuulada markii loo eego duruufaha ay wax ku bartaan.

Hay’adda ayaa sheegaysa caruurta ku nool bariga afrika in intooda badan ay iskuulada iskaga tagaan sanadka 2’aad ee iskuulka ayadoona ugu wacantahay biya la’aan ku qabsata koobaha ay ku nool yihiin taas oo qasab kaga dhigta in ay guuraan goobaha ay dagan yihiin.

Cel celis ahaan hay’adda ayaa sheegaysa in cabsi wayn laga qabo caruur gaaraysa 4.7 million ay iskaga tagaan iskuulada sanadkan gudihisa, wadamada cabsidaas laga qabo ayaa waxaa kamid ah South Sudan, Somalia, Ethiopia iyo Kenya,.

Hay’adda save the children ayaa sidoo kale sheegtay in caruur gaaraysa 12,000 ay iskaga baxeen iskuulada ayagoona qaadanin wax shahaado ah.

Hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan dhanka caruurta ayaa ka dhawaajisay in nus milyan kamid ah caruurta soomaaliyeed ay halis ugu jiraan xaalad macluul ah taas oo aysan u sahleen in ay wax bartaan, hay’adda ayaana intaasi sii raacisay in caruurta soomaaliyeed ee awooda u leh in ay wax bartaan ay gaarayaan 30%.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here