Akhriso:-Taliye Gorod iyo La-taliyaha Farmaajo oo Hanjabaad Hawada Isku Mariyay

0

Sida ku cad warqado lasoo bandhigay Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaliyeed C/wali Jaamac Gorod iyo La-taliyaha madaxweynaha Soomaliya ee dhinaca Amniga Cabdi-siciid ayaa hawada isku mariyay fariimo hanjabaad ah.

Ugu horeyntii La-taliyaha madaxweynaha Cabdi-siciid ayaa warqad qoraal ah u diray Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed, oo ugu sheegayo in uu xilka ka qaadi doono haduusan dhageysan amarkiisa.

Balse Taliye Gorod ayaa sheegay in taliska uu madaxda ka yahay aanu kamid ahayn kuwa wax loo yeeriyo.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gorod ayaa warqad qoraal ah u diray xafiiska la-taliyaha amniga ee Farmaajo, taasi oo uu uga digayo inuu faraha kala baxo howlaha ciidanka xoogga Soomaliyeed, sidoo kale qoraalka ayuu gaarsiiyay xafiisyadda Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka Gaashaandhiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here