Ciidamadda Maamulka Soomaliland ayaa xabsiga dhigay siyaasi dhawaan sheegay in Magaaladda Burco ee Gobalka Tagdheer uu kaga dhawaaqi doono Maamul ka madax banaan Somali-land.
Taliye Ciidanka Booliska Soomaaliland Gen.Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyey ay Xabsiga dhigeen nin Maleegayey qiyaano qaran oo ah in uu dhiso Maamul Sharci daro ah oo ka soo horjeeda Jamhuuriyada ay Soomaaliland sheegatay.
Gen. Fadal ayaa sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan Siyaasigaan iyo dadkii la shaqeynayey,Islamarkaana ay marin doonaan Sharciga Soomaaliland ee ah in aan wax maamul ah aan la dhisi Karin.

