War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay 4-caruur ah ayaa ku dhimatay labo kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Miino caawa ay kula qaraxday isgoyska KM-4 ee Magaaladda Muqdisho.

Caruurta Miinadda ay la qaraxday ayaa ku sugnaa meel ku dhow Maqaayadda Fatxi ee isgoyska KM4 ee Magaaladda magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta, caruur oo ahaa kuwa Darbji jiifka ayaa ku ciyaarayay miinadda taasi oo keentay, in ay la qaraxdo.

Dhanka kale Caruurtii ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya aaya goordhaweyd gaaray goobta ay miinadda ku qarxday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here