Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Saldhig Ciidamadda Kenya deegaanka Ceel Raam oo hoos yimaada deegaanka Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo.
Dhowr madaafiic ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ku weerareen saldhigaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal katirsan melleteriga Kenya ee qeybta ka ah Howgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saldhigga melleteri ee Caal-raam uu duqeyn ba’an kala kulmay ciidamo taabacsan Shabaab sida ay sheegeen dadka deegaanka, madaafiicda oo ahaa hoobiyaal ayaa ku dhacay gudaha saldhigga oo ay ku suganyihiin melleteriga Kenya.
War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu qaaday saldhigga Ceel-Raam uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Kenya balse Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha soo gaaray melleteriga Kenya.

