Xildhibaano Kaarar Been Abuur ah Ku Shaqeysanayay oo La Qabtay

0

Ciidamadda maamulka Puntland ayaa xabsi dhigay  3 Xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xildhibaanada la xiray ayaa lagu eedeeyay in ay kaarar been abuur ah u daabici jireen dadka danta yar,kadibna lacag ka qaadan jiray.

Ciidamadda maamulka Puntland ayaa la sheegay in Xildhibaanadaan ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan kadib markii Maamulka uu ku wargaliyay in ay yihiin kuwa dadka u daabici jirey kaarar been abuur ah.

Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanada xir xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Saddexda Xildhibaan  oo kala ah 1.Aways Axmed Salaad 2.C/waaxid Axmed Maxamed 3.Madar Cali Faaraxay qoyskiiba ka qaadi jireen  $5 Doollar,wadarta lacagta ay ka heleen ay tahay $5,000.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here