Somali-land oo Maxkamadeynaysa Dad Ku Dhaawacmay Dagaal!!

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaano hoostaga Degmada Ceel-Afweyne ee Gobalka Sanaag ayaa ku dhawaaqay hadal aysan ka filayn dhinacyadii dirirtu dhexmaray.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay inay Maxkamadd soo taagi doonaan dhamaan dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Darar-weyne Hoostaga Degmada Ceel Afweyne ee Gobalka Sanaag.

Waxa uu tilmaamay, dhawaacayadu markii ay bogsadaan ay maxkamadd wajihi doonaan, Hadalkaasi oo  beelaha dagaalamay iyo Ehelada dhibanayaasha dhaawacmay ay ku micneeyeen mid  Jees-jees  oo mas’uuliyad daro ah ooo kicinaya Xiisad Hor leh.

Dadka dhibnayaasha ah ee markii ay soo bogsadaan Madaxkamada la marin doono ayaa waxaa ku jira 3-ruux oo qaba dhawaacyo halis kuwaasi oo  Eheladooda loo diiday inay dibada u qaadaan.

Xasbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee wadani iyo Ucid ayaa Hargeysa iyo meelo badan oo ka mid ah Somaaliland waxaa ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ku diddan yihiin Hadalka Wasiirka Amniga gudaha ee xukumada Muuse Biixi oo u arka mid horseedaya wado halis badan oo bur-burinaysa dadaaladii Socaday ee Nabada Degmada Ceelafweyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here