Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nuuca dagaalka oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Maamulka Puntland.
Deegaanka qaraxa uu ka dhacay oo lagu magacaabo Sugurre ayaa la sheegay in miinada ay kula kacday mid kamid ah kolanyada gaadiidka ay wateen ciidamada Puntland.
Qaraxa oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay waaxaa jira wararka kala duwan oo ka soo baxaya.
Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku burburiyeen gaari cabdi bile ahaa oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan puntland waxaana qaraxa sida al-shabaab sheegteen dhimasho iyo dhaawac ku noqday 3 askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland.

