Warar dheeraad ah ayaa maanta laga helayaa deegaano katirsan gobalka Sanaag, kuwaa oo ku waramaya in goobihii labada maleeshiyo beeleed ay shalay ku dagaalameen in la geeyay ciidamo aad u fara badan.
Ciidamo katirsan kuwa Militariga Jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa la geeyay goobihii ay isku fara saareen maleeshiyaadkii ku dhaqnaa Ceelafweyne ee gobalka Sanag
Goobjoogayaal ku sugan Gobalka sanaag ayaa Idaacada Simba u sheegay in maanta deegaanadii labada maleeshiyo ku dagaalameen lagu arkayay ciidamo badan oo katirsan Somaliland oo la kala dhex dhigay maleeshiyaadka.
Dadka deegaanka ayaana intaa ku daray in maanta xiisada ay tahay mid dagan, walina labada maleeshiyo ay is hor fadhiyaan, balse la dhex dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo soo buux dhaafiyay deegaano katirsan gobalka Sanaag.

