Ciidamo kawada tirsan Kuwa malatariga Dowladda Soomaliya ayaa maanta ku dagaalamay Degmadda kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in Ciidamadda kawada Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ay ku dagaalameen goob Jaadka( Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla gudaha degmadaas.
Inta la xaqiijyay 1-qof oo Haweeney Ganacsate aheyd ayaa ku dhimatay dagaalka Ka dhacay Degmadda kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Dhanka kale waxaa dagan xaaladda goobtii ay ku dagaalameen Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaliya.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmadda Kaaraan oo loogu hadlaayo arintaan.

