Dowladda Kenya ayaa dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ku eedeesay in ay burburiyeen xarun shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd dagmaada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo.
Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka heleen xog ku saabsan dagaalyahanada Al-shabaab iyagoo qorsheynayay in ay halkaaasi ay ka howlgalaan.
Sida warbaainta Kenya ay sheegeyso waxaa ciidamada AMISOM ay aruurinayeen xogta dadka shacabka ah waxaana qorshahoodu uu ahaa todobaadka dambe ay halkaasi ka howlgeliyaan xarun caafimaad oo dadku u baahan yihiin.
Oday reer Ceel waaq ah ayaa sheegay in Shabaabku ay weediisanayeen tirada caruurta ee la heli karo iyagoo xiligaas ka cabanaya in xogtooda la helo.

