Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay,mid kalana wuu ku dhaawacmay kadib qarax Miino oo saakay ka dhacay Agagaarka Jaamacadda Gaheyr oo Saldhig u ah Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Soomaliya.
Qaraxaan ayaa la doonayay in lagu qarxiyo gaari dagaal oo ay saarnaayeen Ciidamadda Dowladda soomaliya oo xiligaas marayay laamiga.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in Dadka dhintay ay xiligaas marayeen laamiga, islamarkaana miinadda ay haleeshay.
Qaraxa kadib Ciidamadda booliska Dowladda Soomaliya ayaa xirey wadadda,waxaana hakad galay isku socodka dadweynaha iyo Gadiidka.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadaan qaraxaan ka dhacay Agagaarka jaamacadda Gaheyr.



