Burcad Badeed Soomaaliyeed oo sii daayay La Heestayaal Lamaana ahaa

0

kooxaha burcad badeeda soomaalida ayaa sii daayey la heestayaal  kala ah Bruno Pelizzari  oo u dhashay dalka talyaaniga iyo haweyneeda uu qabay oo lagu magacabo Debbie Calitz  oo u dhalatay dalka koonfur afrika.

la heestayaasha ay siidaayeen  burcad baddeda soomaalida ayaa lagu afdoobtay bartamaha soomaaliya sanadkii 2010-kii.

Kooxaha burcad baddeeda soomaalida ayaa qaatay lacago madax furasha ah oo kabadan $500 00 doolarka mareykanka.

Bruno Pelizzari ayaa wakaalada wararka talyaaniga ee Italian news agency  la hadlay waxaana uu u sheegay in waqti adag uu kusoo qaatay soomaaliya mudada  ay heesteen kooxaha burcad baddeeda soomaalida isagoo intaasi ku daray in mararka qaar ay u geesan jireen isaga iyo xaaskiisa jirdil xoogan.

Safaarada talyaaniga ee koonfur afrika ayaa soo dhaweysay siideenta Bruno Pelizzari  iyo Debbie Calitz waxaana hada ay  ku sugan yihiin Magaalada Johannesburg.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here