kooxaha burcad badeeda soomaalida ayaa sii daayey la heestayaal kala ah Bruno Pelizzari oo u dhashay dalka talyaaniga iyo haweyneeda uu qabay oo lagu magacabo Debbie Calitz oo u dhalatay dalka koonfur afrika.
la heestayaasha ay siidaayeen burcad baddeda soomaalida ayaa lagu afdoobtay bartamaha soomaaliya sanadkii 2010-kii.
Kooxaha burcad baddeeda soomaalida ayaa qaatay lacago madax furasha ah oo kabadan $500 00 doolarka mareykanka.
Bruno Pelizzari ayaa wakaalada wararka talyaaniga ee Italian news agency la hadlay waxaana uu u sheegay in waqti adag uu kusoo qaatay soomaaliya mudada ay heesteen kooxaha burcad baddeeda soomaalida isagoo intaasi ku daray in mararka qaar ay u geesan jireen isaga iyo xaaskiisa jirdil xoogan.
Safaarada talyaaniga ee koonfur afrika ayaa soo dhaweysay siideenta Bruno Pelizzari iyo Debbie Calitz waxaana hada ay ku sugan yihiin Magaalada Johannesburg.

