Madaxweynaha Soomaliya oo Xariga Ka Jaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe+Sawirro

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah maanta oo Isniin ah u daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse (Haamaan) ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,puntland, Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay Booqasho maalmo qaadan doonto oo uu ku marayo deegaano ka tirsan Dowladda Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here