Nin Xaaskiisa Sabab Layaab Leh u Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya In nin maseyrsanaa uu xaaskiisa ku dilay deegaanka masaajidka Cali Gaduuud oo hoos yimaada degmada Cadale sida ay inoo Xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ninkaan oo kamid ahaa dadka deegaanka masaajidka Cali gaduuud ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa la Sheegay in Hubanti la’aan ay ka gashay in Xaaskiisa ay gaar u tahay iyo in Xariir la leedahay rag kale taasi oo sababtay in rasaas uu kala dhaco qeybaha sare ee Jirkeeda.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay guriga lamaanaha ay ka maqleen rasaas culus oo uu Xaaskiisa ku dilayey Ninkaan oo ku hubeysnaa qoriga loo yaqaano AK47 ka dib markii uu ku qanciwaayey Habdhaqanka Haweeneydiisa.

Haweeneyda Seygeedu uu u dilay Maseeyrka ayaa la sheegay inay u dhashay 4-caruur ah oo wali da’yar  ah,waxaana la sheegay in uu goobta ka baxsaday dilka kadib.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here