Wararka ka imaanaya Gobalka bari ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Militari oo ku yaal duleedka magaalada boosaaso ee gobalkaasi.
Ilo dadka deegaanka ayaa idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in dhowr madfac lala eegtay saldhigga ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku yaalla halka laga soo galo deegaanka Galgala ee gobalka bari, inkastoo dadkaasi ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi.
War laga sii daayay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay sababtay madaafiicda.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Puntland oo ay la xiriirtay idaacada Simba ee Magaalada muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay iney jirto madaafiicdaasi, balse aysan sheegi karin khasaaraha ka dhashay laakin ay dib ka sheegi doonaan marka uu baaritaankooda usoo dhamaado.
Bilihii ugu dambeeyay Xoogaga Al-shabaab ee deeganada Puntland ka dagaalama ayaa waday weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay la beegsanayaan mas’uuliyiinta iyo saraaakiisha maamulka Puntland, waxaana ugu dambeeyay sarkaalkii saddex maalin ka hor lagu dilay afafka hore ee garoonka diyaaradaha Magaalada boosaaso ee xarunta gabalka bari.

