Wasiirka Magacaaban ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay+Sawirro

0

Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad iyo xubno la socday ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Cawad oo maalmo hor uu magacaabay Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre islamarkaana badali doona Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa garoonka aadan Cadde  kusoo dhaweeyay mas’uul ka tirsan dowladda Soomaliya, iyo siyaasiyiin.

Xubnaha soo dhaweeyay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Soo dhaweyn kadib Wasiirka Cawad ayaa codsaday in lala shaqeeyo.

Jimcihii sidaan oo kale ayaa loogu soo dhaweeyay magaaladda muqdisho wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here