Xildhibaan Aaden Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku qasbeen dhismaha darbiga Xarakadda Al-Shabaab.
Isagoo la hadlayay idaacadda VOA-da ayuu sheegay in cabsi laga qabo Xarakadda Shabaab ay keentay in dib loo bilaabo dhismaha darbiga laga dhisayo xuduudka Soomaliya iyo kenya.
Waxa uu sheegay Aaden Barre Ducaale hadii laga adkaado Xarakadda Al-shabaab, in dowladda Kenya ay joojin doonto dhismaha derbiga.
Mudooyinkii dambe waxaa jiray muran u dhaxeeyay Shacabka Degmadda Balad-xawo ee Gobolka Gedo iyo Ciidamadda kenya oo dib u bilaabay dhismaha Darbiga.
Dhawaan wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka gedo,waxay sheegeen in Dowladda kenya 792-guri ay lahaaayeen shacab Soomaliyeed ay silig marisay taasina aan la aqbli Karin.

