Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ciidamada ay Heli Doonaan Hub iyo Qalab Casri Ah “Dhageyso”

0
Cusubyo katirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

Iyadoo ay jiraan ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay tababar ku qaadanaya xerada uu Muqdisho ka dhisey Turkiga ayaa waxaa soconaya dadaalo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii hub iyo qalab casri ah ay u heli lahaayeen.

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Difaaca ee  Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in haduu uu dhamaado la siin doono hub iyo qalab casri ah oo ay kula dagaalamaaan Xoogaga Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha gariyeega Soomaaliya iyo dalka kenya.

”Ciidanka kuliyadda Turkigu noo dhisye lagu tababarayo wxaa uu isugu jiraa labo qeyb oo kala ah saraakiil iyo saraakiil xigeen, halka kuwo kalena laga soo uruuriyaya ciidanka qeybihiisa kaladuwan,saraakiishu weli hadda ayuu tababarka u socdaa, laakiis ciidankii kale ayaa qeybtii ugu horeysay qalinjebisay,kuwaana way daba socdaan,insha alaah,muhiimadda ugu weyn waa in ay noqdaan ciidamo isku dhafan oo tababaran”,Ayuu yiri wasiiru Dowlaha gaashaandhigga.

Wuxuu sheegay Dowladda Somaaliya oo hada ku jirta xaalad in marwalba hadana ay diyaar u tahay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto Ciidamada qeybahooda kala duwan, sidii baahiyahoda loo dabooli lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa intaasi ku daray in ciidamado ay horey u tababarnaayeen,balse la siinayo tababar ka sii horumarsan kii horey ay u heysteen,wuxuuna xusay in qofkasta tababar ku qaato kuliyadaasi hub ay siin doonto dowladda Turkiga, sida wasiirka uu hadalka u dhigay.

 

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan tababara ugu soo xirey magaalada Muqdisho qeybtii ugu horeysay oo ciidanka lagu tababaray xerada uu dhisay Turkiga,isagoo madaxweynuhu uga mahgadceliyay dowladda Turkigu dowrka ay ka qaadanayso tababarka ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Halkan ka Dhageyso Codka:- Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Difaaca

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here