Weerar Lagu Qaaday Soomaalida ku Dhaqan Dalka Itoopiya

0

Soomaalida ku dhaqan magaaladda Nazareth oo ilaa 100 Km u jirta Caasimada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la soo darsay cabsi xoogan kaddib markii sida la sheegay ay weerarro kala kulmeen dad ka tirsan qowmiyadda Oromada oo beegsanaya dukamada ganacsiga dadka soomalida.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryohoodi ay ka carareen oo ay u baxsadeeen Caasimadda Itoobiya,si ay uga badbaadaan beegsaiga Qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi,sida ay sheegayaan qaar kamid ah dadkii weerarkaasi la kulmay oo warbaahinta la hadlay.

Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin guryaha,ay degan yihiin Soomaalida,dadku waxay la’yihiin qaab ay uga baxsadaan weeraradaasi,qaarkood.

 

Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada Dalkaasi Itoobiya,iyadoo dhowr jeer mas’uuliyiinta Dalkaasi ay sheegeen in xal laga gaari doono dhibaatooyinkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here