Ciidamada Ammaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Degmadda Dooloow ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa isku soo dhiibay Sarkaal katirsanaa Shabaab-ka ka howlgalada deegaanadaasi.
Sarkaalkaan Ciidamada Ammaanka isku soo dhiibay, ayaa dowladda sheegtay in lagu magacaabo Aadan Ibraahim, uu kamid ahaa saraakiisha xarakadaAlshabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo Aruurinta Lacagta shakawaadka ee Al-shabaab ay ka qaadaan dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan.
Aadan Ibraahim, ayaa mar uu ka hadlayey sababihii uu isku soo dhiibay, waxa uu sheegay in Alshabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay is dilaan dhexdooda, dhibaato kala duwanna loo geysto dhalinyaro badan oo daacad u ah.
Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Degmadda Dooloow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kuwa ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha ay soo dhoweynayaan, waxaana wali kuwa ku harsan xoogaga Alshabaab uu ugu baaqay inay fursadda dowladda ay ka faa’iideystaan.
dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-shabaab oo ku aadan sarkaalkaan dowladda ay sheegtay inuu dhankooda isku soo dhiibay.



