Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Saakay Dib U Furaysa Kiiska C/raxmaan C/shakuur

0

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u furaysa kiiska Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dib loo furayo kiiska Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto siyaasiga.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay, isla markaana ku caddeysay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeystay inuu racfaan ka qaato xukunkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa shalay warqad qoraal ah u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maanta bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto.

Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta qaranka ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here