Kooxo hubeysan ayaa xalay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland.
Sarkaalka toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiile, wuxuuna ahaa taliyaha Xerada keydinta hubka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, taasoo lagu magacaabo Xero Inji.
Sarkaalka ayaa rasaas lagu furey xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaala magaaladdda Gaalkacyo.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu isla goobta ku geeriyooday markii uu dhaawac culus soo gaaray.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta sarkaalkani lagu dilay, iyagoo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.
Inta badan dilalka ka dhaca Magaaladda gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa sheegta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

