Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa in goor-dhaw shir jaraaid ku qabtaan Magaaladda Muqdisho.
Wariyayaasha ka howlgala magaaladda Muqdisho ayaa goordhaweyd loogu yeeray Xarunta taliska Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye.
Waxaa la filayaa inay ay faah faahin ka bixiyaan mas’uuliyiintaan weerarkii xalay Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ay ku qaadeyn guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaasi oo dhacay xalay waqti dambe.
Wixii kusoo kordha kala Simbanews.com

