Xiliga La Ansixinayo Wasiiradda Maamulka Hir-shabeelle oo La Ogaaday+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in 15-ka bishaan la ansixin doono wasiiradda Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Colow ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda hanaanka loo soo dhisay Wasiiradda Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle islamarkaana xildhibaanadaas aysan hor istaagi doonin in la ansixiyo wasiiradda Cusub.

“Xildhibaanada kasoo horjeeda wasiiradda cusub ee Hir-shabeelle in la ansixiyo waxa ay gaarayaan 15-xildhibaan,kulanka aan yeelan doono 15-ka bishaan waxaa lagu ansixin doonaa wasiiradda Hir-shabeelle cidna kama soo horjeysan karto”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow.

29-kii bishii November aynu soo dhaafnay madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare aya ku dhawaaqay Golle wasiiro oo ka kooban 20 wasiiro,20wasiir ku-xigeenka iyo 17-wasiiru dowle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here