Gaadiid-leyda Woqooyi Bari Kenya oo Ka Walaacsan Weerarada Al-shabaab

0

Gaadiid-leyda isticmaasha woqooyi bari Kenya gaar ahaan deegaanka Mandera ayaa ka walaacsan weeraro iyo cabsi ay ka qabaan dagaalyahanada Al-shabaab ee halkaasi ka howlgala.

Dadka deegaanka ayaa dhigay dibax baxayo ay ku dalbanayan in dowlada Kenya ay soo farageliso arintani iyo in gabi ahaanba gobalka waqooyi bari Kenya laga howlgaliyo ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa booliiska, kadib markii Al-shabaab dhowr jeer ay weerar ku qaadeen gaadiidka isticmaala xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya  kuwaa oo dila dadka aan islaamka aheyn.

Mohamed Bardad oo ah gudoomiyaha gaadiidleyda deegaanka mandera ayaa sheegay in ciidamada Kenya inta badan  aynin ka howlgalin gobalka.

Waxaana Bardad uu sheegay in weerarada ay geystaan Xarakada Al shabaab in ay kor u kacday, isagoo xusay  in nolosha dadka kenyaatiga ah halis ku jirto ilaa halkaasi ciidamo hubeysan laga howlgaliyo.

Qaar badan oo kamid ah dadka deegaanka gaar ahaan shacabka ku nool bartamaha iyo bariga Kenya ayaa ku hanjabay in ay joojin doonaan basaska aada Mandera casbsi ay ka qabaan weeraro kaga yimaada dagaalyahanada Al-shabaab oo sanadii 2014-kii dilay in ka badan 30 kenyaati ah oo saarnaa gaaari bas ah oo deegaanada  waqooyi bari Kenya ku safrayaya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here