Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari lagu dhajiyay oo barqanimadii maanta ka dhacay Xiradda Villa Baydhabo oo ay dagan Yihiin Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed.
Qaraxa ayaa lagu dhajiyay gaari uu lahaa Sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliya oo ilaa haatan aan magaciisa la helin wuxuuna dhacay kadib markii uu gaariga ka dagay.
Gaadiidka yar yar ee ay wataan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ah kuwo aan Baaritaan lagu sameyn markii ay gelayaan Gudaha Xarunta,waana Sababta keentay in Gaari lagu soo xiray Waxyaabaha Qarxa uu ku dhex Qarxo Gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa haatan lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay gaariga lagu dhajiyay qaraxa ee ku dhex-qarxay Xiradda Villa Baydhabo oo ay dagan Yihiin Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed.
Dhanka kale ma jirto ilaa haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Xiradda Villa Baydhabo oo ay dagan Yihiin Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed.
Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xili maanta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya uu ka furmay shir loogu hadlaayo amniga oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Soomaliya iyo Maamul Goboleedyadda.

