Madaxweyne Farmaajo oo DaahFuray Wajigii Labaad ee Shirkii London+Sawirro

0

Wajigii Labaad ee shirkii Magaaladda London oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka furmay Magaaladda muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

shirka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa  in dib u eegis lagu sameeyo horumarada ilaa iyo haatan laga gaaray Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here