Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa sheegay in dhaqaalaha hirshabeelle uusan kaafin Karin xubnaha wasiirada ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Xildhibaan Abdiqaadir Cusmaan C/salaam oo kamid ah baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa sheegay in wasiiradda la magacaabay oo gaaraya 57-xubnood iyo dhaqaalaha soo gala Hir-shabeelle aysan iskaafin Karin islamarkaana madaxweynaha loogu baahan yahay in uu dhimo tiradda wasiirada maamulka Hir-shabeelle.
Waxa uu sheegay in Hir-shabeelle aysan laheyn Dekadd haatan shaqeyso iyo garoon diyaaradeed oo lacago laga helo kaliyah-na lagu tiirsan yahay dhaqaalo bishii laga helo Dowladda Dhexe ee Soomaliya.
Dhawaan Madaxweynaha Maamulka hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 20wasiir 20-wasiir ku-xigeen iyo 17wasiiru dowle,waxaa haatan jira cabashooyinka kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

