Dalxa:-Baarlamaanka Dowlad Diid Ma Ahan Wixi Wanaagsan Waan Taageereynaa”,

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in Baarlamanka Soomaliya uusan caqabad ku aheyn Xukuumadda federaalka Soomaliya iyo guud ahaan dowladda.

Pro Dalxa ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaliya uu isaga doortay, Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana aysan aqbali doonin in la carqaladeeyo dowladnimadda Soomaliya.

“Dadbaa waxa ay aaminsan yihiin in colaad ay ka dhaxeyso Xukuumadda Soomaliya iyo baarlamaanka Soomaliya, walaalayaal baarlamaanka Soomaliya isagaa dhalay Xukuumadda Soomaliya, madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya waxaa soo doortay baarlamaanka Federaalka Soomaliya,Raisulwasaaraha uu soo magacaabay waxaa u ansixiyay Golaha shacabka, wasiiradda uu isna soo magacaabay waxaa u ansixiyay baarlamanka Soomaliya,sidaas ay tahay Xildhibaanadda waa kuwa ugu nugul dhibaatadda marka laga yimaado Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliya, baarlamaanka waa midkii hor istaagay in la gato badda Soomaliyeed”, ayuu yiri Xildhibaan maxamed Cumar Dalxa.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ay shaaciyeen in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaliya ay mooshin ka wadaan madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Xukuumadda Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here